Tuesday, May 17, 2016

Mashruuca Shirkada Tiknoolajiyada Google ee ku wajahan Qaarada Afrika

Shirkada tiknoolajiyada aduunka hogaaminaysa ee dalka Maraykanka laga leeyahay ee Google ayaa qorshaynaysa inay ka qayb qaadato xal u helida shaqo la’aanta baahsan ee ka taagan qaarada Afrika iyadoo tababaro bilaasha siinaysa 1 Milyan oo dhalinyarada Afrikaanka ah oo lagu carbin doono khibrada tiknoolajiyada (Digital Skills) 12-ka bilood ee soo socda sida masuuliyiinta shirkadu ku iclaamiyeen shirjaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.
Boqolkiiba 35 da’yarta da’doodu u dhexayso 15 ilaa 34 jir shaqo la’aan ayaa haysa, waxayna shirkada Google qorshaheeda ku darsatay in 300,000 qof ay tiknoolajiyada ku tababarto sanadkan gudihiisa, halka 400,000 Nigeria u dhashay iyo 200,000 Kenyan ahi ay laf ahaantoodu heli doonaan tababaradan (Digital Skills Training).
Dalalka saxaaraha ka hooseeya waxaa yagana laga soo xulan doonaa 100,000 qof si tababaradan tiknoolajiyada loo siiyo uguna shaqaystaan mustaqbalka. Qaarada Afrika waxa ay yeelan doonta 500 Milyan qof oo internetka isticmaala marka la gaadho sanadka 2020-ka. Sida cilmi baadhis Google samaysay iftiimisay isticmaalka internet-ka qaarada Afrika waxa uu boqolkiiba 41 kor u kacay intii u dhexaysay 2014 ilaa 2015-kii sida lagu shaaciyey warbixin ay soo saareen machadka daraasaadka cilmibaadhista internetka ee la yidhaahdo Telegraphy Global Internet Geography.
Shirkada Google oo xidhiidh ganacsi oo wadaaga la leh haayadda mutadawacnimada u shaqaysa ee Livity Africa oo dhalinyarada Afrikaanka barta khibrad ay ku shaqaysan karaan, taasoo hadda gacanta ku haysa laba barnaamij oo shirkada Google u dhiibtay si ay da’yarta uga caawiso xagga khibarada shaqo helidda.
Sidoo kale barnaamijkan dhalinyarada Afrikaanka ah lagu barayo tiknoolajiyada waxaa fulinaysa oo tababarada bixinaysa shirkad la yidhaahdo Digify Bytes oo ah shirkad khibrad badan u leh bixinta tiknoolajiyada dhinaca Digitalka sida lagu daabacay mareegta IT News Africa.
Barnaamijyadan ay shirkada Google waddo waxay hore uga bilaabmeen dalalka Nigeria, Kenya iyo Koonfur Afrika oo ilaa hada way socdaan, waxana lagu tallo jiraa in dadka la doonayo in khibradaas loo gudbiyo lagu gaadho muddo 12-ka bilood ee soo socda.
Waxaana haayadda mashruuca fulinaysa ee Livity caawinaya khuburo 65 qof ka kooban oo Google u xilsaartay in ay tababarada bixiyaan.
Hadafka ugu way nee barnaamijkan laga leeyahay waa in dhalinyaro 1 Milyan oo qaarada Afrika ku dhaqan la qalabeeyo loona gudbiyo khibrada tiknoolajiyada si ay dhinaca internet-ka iyo tiknoolajiyadaba uga caawiyaan  qaarada.

Internet-ku waa wadnaha dhaqaalaha kobcaya, barnaamijka xirfada tiknoolajiyada (Digital Skills) waxaa looga gol leeyahay in lagu caawiyo Afrika si ay dhinaca dhaqaalaha Dhijitaalka ama tiknoolajiyada uga mid noqoto. Qofkastaba Online guul buu ka gaadhi karaa, waxa uu ka bilaabi karaa ganacsigiisa, khibradiisa, aqoontiisa iyo jiritaankiisaba dadka wuu la wadaagi karaa. Hadalkan waxaa yidhi agaasimaha shirkada Google ee dalka Koonfur Africa Mr. Mackend.
@Dimage7maxspot

@Dimage8maxspot
By: Maxamed Dakhare

No comments:

Post a Comment