Tuesday, May 3, 2016

Maaha inay Tuugsadaan wadamada Afrikanka ahi,,,,,


Xoghayihii horee ee guud ee qaramada midoobay Kofi Annan ayaa sheegay in dalalka Afrikaanka ah ay joojiyaan tuugsiga iyo hoos dhigashada gacanta wadamada ajaanibta ah waa haddii ay rabaan wadamada Afrikaanka ahi madaxbanaani. Waa inay joojiyaan koofiyada lagu baryada tago taasoo sumcadii qaarada oo dhan waxyeelo gaadhsiisay.

Hadalkan ayuu Kofi Annan ka sheegay shir amaanka Afrika lagaga hadlayey oo lagu qabtay magaalada Addis Abba ee dalka Ethiopia. Wadamada Afrika waxay arinkan ugaga gudbi karaan haday dhisaan dhaqaalaha wadamadooda iyo haayadaha maaliyada, ismana laha waxaan ahay wadan xor aha hadana waxaan koofiyad la dhex wareegayaa caalamka waa inaan hogaanka qabataan dadka kalena ay na caawiyaan markaas.

Taageeradaas waxay imaanaysa marka nala arko inaan Afrikaan nahay dad wax qabsan kara oo ay waxqabshadu dhab ka atahay. Ayuu yidhi Mr. Annan

Intaa wuxuu ku daray in xubnaha wadamada Afrikaanka ah aysan bixin lacagihii uu kulahaa midowga Afrika taasina ay curyaamiday socoshadii hawsha uruka.

@Dimage6maxspot
 
 
By: Max Younis

2 comments:

  1. Hadal wanaagsan buu ka yidhi halkaa basle madaxda Afrikaanku tolow wax ma ku qaadanayaan hadalka calool xanuunka leh

    ReplyDelete
  2. Kofi Annan knows more things about African leaders. he declared the truth to amend more secluded issues among African not personally. get be attain at success you the best wishes

    ReplyDelete