Tuesday, May 3, 2016

Ciidamada Ingiriiska ee guddaha Somaliya 2016


Koox hordhac ah oo kooban 10 askari kana mida ciidamado Britain ayaa la sheegayaa in la geeyay gudaha wadanka Somaliya oo lagu taageerayo ciidamada nabad ilaalinta qarmada midoobey AMISOM  ee hore uga kala yimi dalalka Afrika ah ee midowga ka ah ururka AU-da. Sidoo kale waxa dawlada Britain sheegtay in muddooyinka soo socda ay xigi doonaan 70 askari oo kale oo British ah, oo ka caawin doona ciidamada AMISOM dhinacyada shaqada Logistics-ka ama shaqada xafiisyada iyo caafimaadka.

Xoghayaha gaashaandhiga wadanka Ingiriiska Mr. Michael Fallon ayaa sheegay in ciidamada ka socda Ingiriiska ay ka caawin doonaan hawlgalka Somaliya lagu ilaalinayo nabad gelyada iyo deganaanta dalka Somaliya iyo dagaalka lagula jiro kooxaha xag jirka ah. Somaliya waxa jooga ciidamo ka socda Afrika oo loo keenay Somaliya dhinaca ilaalinta iyo adkaynta nabadgelyada balse weli ma degana xaalada amaanka ee Somaliya. Alshabaab ayaa ah khatarta ugu wayn ee Somaliya haatan ka taagan waxayna wadaan dagaalo xasuuqa, qaraxyo iyo isbiimayn joogto ah.

Taas ayaana ah arinka ugu wayn ee hada loo baahan yahay in meesha laga saaro waana sababta haatan Somaliya loo keenay ciidamada cusub ee Britain waa sida uu hadalka u dhigay Mr. Michael’e.

@Dimage4maxspot
@image5maxspot
 
 
 
BBC.COM
 
By: Max Younis

No comments:

Post a Comment